10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 25, 2025
Madaxweyne Xasan Sheikh: Ciidamo Dowladda Soomaaliya katirsan ayaa noo jooga Puntland
 

Khamiis, September 25, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Puntland ku sugan yihiin ciidammo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasoo—haddii loo baahdo—ka qayb qaadan kara dagaalka lagula jiro Daacish.

Inkasta oo madaxweyne Xasan Sheekh uu xusay in Dowladda Federaalka ay wajahayso duruufo dhaqaale, haddana wuxuu caddeeyey in Puntland aysan ka codsan taageero dowladda federaalka ah dagaalka ay kula jirto Daacish.

Xasan Sheikh wuxuu intaas ku daray in Puntland ay u madax-bannaan tahay dagaalkaas, isla markaana dowladda federaalku ixtiraamayso mowqifka Puntland, balse mar walba diyaar u tahay inay ka qaybqaadato haddii loo baahdo.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in doorka hadda dowladda uu yahay u doodista caalamka si ay uga qeyb qaataan ciribtirka Daacish, si lamid ahAl-Shabaab. “Annagu dagaalka Daacish waxaan u aragnaa mid khatar ku ah jiritaanka Soomaalida; wixii awooddeena ahna kama hagranayno,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Puntland ayaa horey u sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay isku koobtay taageerada caalamka ee loogu talo galay dagaala lagula jiro kooxaha argigixisada sida Shabaab iyo Daacish.