Khamiis, September 25, 2025 (HOL) - Mucaaradka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay qaban doonaan banaanbax nabadeed maalinta Sabtida ah, kaasi oo ka dhici doona xaafadaha Tarabuunka, Deyniile, iyo Siinaay ee magaalada Muqdisho.
Mucaaradku waxay sheegeen in mudaharaadkan uu si gaar ah diiradda u saarayo arrinta barakicinta dadka laga saaray dhulka danta guud, Go’aanka mudaharaadka ayaa lagu shaaciyey shir jaraa'id oo lagu qabtay Hotel Jazeera fiidnimadii Arbacada, wax yar uun kadib markii ay dhaceen iska horimaadyo hubeysan oo dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa la safan mucaaradka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ku dhawaaqay dibadbaxa, ayaa sheegay in ujeeddada mudaharaadka aysan ahayn arrimaha doorashooyinka ama dastuurka, balse ay tahay in la muujiyo dareenka dadweynaha ee ku aaddan sida loola dhaqmay dadka laga saaray guryahooda.
“Sabtida waxaan qaban doonaa mudaharaad nabadeed, Maanta kama hadlayno doorasho ama dastuur, Waxaan u taaganahay xuquuqda dadka laga saaray guryahooda,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Mucaaradka iyo shacabka ayaa si weyn uga carooday kadib markii la faafiyey muuqaal muujinaya askar ka tirsan dowladda oo garaacaya oday dhaqameed la yiraahdo Axmed Siidow, kaasoo ka mid ahaa dadka laga saaray xaafadda Siinaay.
Muuqaalkan ayaa si weyn loogu cambaareeyey baraha bulshada iyo gudaha bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna sii kiciyey xiisaddii ka jirtay Muqdisho.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Maallin Mahdi, ayaa ka falceliyey falkaas isagoo saxaafadda u soo bandhigay qaar ka mid ah askartii falkaas ku lug lahayd, wuxuuna sheegay in la horgeyn doono maxkamad ciidan.
Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay markii xubno mucaarad ah ay isku dayeen in ay shir jaraa’id ku qabtaan afaafka hore ee Saldhigga Booliska Warta Nabadda, halkaasoo Dagaal toos ah ka dhacay, waxaana la xaqiijiyey in rasaas ay isdhaafsadeen ilaaladii mucaaradka iyo ciidanka booliska.
Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre, oo goobta ku sugnaa, ayaa xaqiijiyey in mid ka mid ah ilaaladiisa la dilay halka mid kalena uu dhaawacmay.
“Mid ka mid ah waardiyeyaashayda waa la dilay, mid kalena waa la dhaawacay, Waxaa nala weeraray annagoo ku sugnaayn Siinaay, annagoo gaarigeena saaran,” ayuu yiri Xasan Khayre.
Dowladda Federaalka ayaa si kulul ugu eedeysay mucaaradka in ay khatar gelinayaan amniga iyo xasilloonida caasimadda, iyadoo digniin u dirtay siyaasiyiinta abaabulaya mudaharaadka.
Dhankooda, madaxda mucaaradka ayaa ku adkeystay in mudaharaadkooda uu nabadeed yahay, waxayna ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay si weyn uga qaybqaataan.