Khamiis, September 25, 2025 (HOL) - Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay iska hor imaadkii Shalay ka dhacay afaafka hore ee Saldhiga Warta Nabadda ee dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsanaa xubnaha siyaasiyiinta Mucaaradka.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarka lagu soo qaaday Saldhiga Booliiska Warta Nabadda uu sababay iney xabsiga ka baxsadaan xubno ku eedeysan dambiyo culus.
Booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dagaalkii Shalay uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaarey Maxaabiista ku xirneyd Saldhiga degmada Warta Nabadda iyo askarta ilaalineysay.
Taliska Booliska ayaa shacabka uga digay inay ku dhex milmaan kooxaha la sheegay inay ujeedadoodu tahay qalqal gelinta amniga, halka hay’adaha amnigana lagu wargeliyay in tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo jebisa digniintan.
“Booliska Soomaaliyeed wuxuu shacabka uga digay inay dhex milmaan kooxaha ujeedkoodu yahay carqaladaynta amniga dalka, iyaga oo fursad u abuura maleeshiyaadka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliiska Soomaaliya.
Bayaanka Booliska ayaa waxaa sidoo kale loogu digay Xubnaha Siyaasiyiinta Mucaaradka in hubka culus iyo gaadiidka dagaalka ee dowladda inay si sharci darro ah u adeegsadaan ciidamada dowladda.
Ugu dambeyntii bayaanka kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo Xalay Xubnaha Mucaaradka ay dhankooda sheegeen in la soo weeraray, iyagoo dhageysanaya cabashada dad shacab ah, islamarkaana talaabadaasi tahay mid aan la aqbali karin.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Booliiska Soomaaliya dhameystiran:-