Khamiis, September 25, 2025 (HOL) - Taliska Ciidanka Dowladda Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay duqeyn cirka ah ku qaadeen kooxda Daacish oo ku dhuumaaleysaneysay buuraha Calmiskaad ee Puntland.
Duqeyntan ayaa ka dhacday meel qiyaastii 37 mayl koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso, waxaana lala bartilmaameedsaday godad ay ku jireen xubno ka tirsan kooxda Daacish.
Waa duqayntii labaad oo labo todobaad gudihiis uu Maraykanku ka fuliyo gudaha Puntland. Duqeyntii ka horraysay waxay ka dhacday 13-kii Sebtembar gobolka Sanaag. AFRICOM waxay sheegtay in lagu dilay ganacsade hub u kala gudbin jiray al-Shabaab, balse dadka deegaanka iyo odayaasha dhaqanka ayaa ku dooday ninka la beegsaday inuu ahaa nabadoon caan ah oo aan xiriir la lahayn al-Shabaab.
Si kastaba ha ahaatee, AFRICOM ayaa sanadkan keliya Soomaaliya ka fulisay 79 duqeyn, taas oo jebisay rikoodhkii hore ee maamulka Trump.
Dhinaca kale, taliyihii hore ee ciidanka Booliiska Puntland, Gen. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa sheegay, tirada Daacishta ku jirta buuraha Calmiskaad inay gaarayaan inta u dhaxasya 150 ilaa 200 dagaalame. Wuxuu sheegay inay aad u kooban yihiin ajaanibta ku harsan buuraha.
Maalmo ka hor, sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray. Gen. Cabdi Cali Qalyare oo ahaa taliyihii guuto labaad ee ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa lagu dilay qarax miino oo waddada loogu aasay.
Awoodda Daacish ayaa hadda u muuqata inay kusoo ururtay qaraxyada ay waddooyinka ugu qarinayaan ciidamada iyo saraakiisha Puntland.