10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 25, 2025
Ciidamada NISA oo Howlgallo Ka Dhan ah Al-Shabaab ka Fuliyay Saddex Gobol oo Dalka ah
 

Khamiis, September 25, 2025 (HOL) - Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobollada Hiiraan, Galgaduud, iyo Shabeellaha Hoose, si loo wiiqo awoodda kooxda Al-Shabaab.

Howlgalladan ayaa lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda, waxaana lagu guuleystay in la dilo tiro ka mid ah hogaamiyeyaasha iyo xubno muhiim ah oo kooxdu ka tirsneeyd.

War kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal gaar ah ay ka fuliyeen Degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, waxaana lagu dilay horjooge ka tirsan Al-shabaab oo lagu magacaabay Cabdi Xiiray iyo Labo horjooge kale oo la socday.

Cabdi Xiiray wuxuu ahaa hogaamiye ka tirsan Al shabaab oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay falal badan oo lidi ku ah shacabka, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan, Dilkiisu waa guul weyn oo u soo hoyatay shacabka deegaanka Hirshabeelle ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugiida Qaranka Soomaaliya.

Dhinaca Gobolka Galgaguud, Deegaanka Nooleeye, ciidamada ayaa ku dilay 11 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, Tani waxay timid kadib markii la helay xog sirdoon oo sheegay in kooxda Al shabaab ay halkaas ka wadeen abaabul militari, Ciidamada ayaa si degdeg ah u howlgalay, waxaana meesha laga saaray khatar weyn.

Howlgal kale oo ka dhacay tuulada Tugaarey, oo hoos timaadda degmada Awdheegle, ayaa lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, Tiro kale oo maleeshiyaad ah ayaa dhaawacmay, Howlgalkani wuxuu ahaa mid si toos ah looga hortagay qorshe kooxdu ku diyaarinaysay weerarro amni darro.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay in dagaalka ka dhanka ah Al shabaab uu sii soconayo, lana ciribtiri doono kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada dalka.