10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 25, 2025
Jubbaland oo si adag u cambaareysay tacaddiyo iyo barakicin ay sheegtay inay ka socdaan Muqdisho
 

Khamiis, September 25, 2025 (HOL) - Maamulka Jubaland ayaa si adag u cambaareeyay barakicin iyo tacadiyaddo uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed loogu geysanayo magaalada Muqdisho, iyadoo ku tilmaantay dhacdooyinka Muqdisho ka socda kuwo halis ku ah karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta.

War-saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay, in maalintii shalay ay Muqdiso ka dhacday in Aabbe iyo Hooyo Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan lagu jirdilay, dhulkoodana si xoog ah looga qaaday.

Sidoo kale, Jubbaland waxay sheegtay in isku day dil loo geystay xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta, kuwaas oo doonayay in ay la kulmaan muwaadiniinta dhibaatada loo geystay, isla markaana taageero caafimaad u raadiyaan.

Jubaland waxay ku baaqday in si degdeg ah loola xisaabtamo cid kasta oo bixisay amarka lagu dhibaateeyay muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo masuuliyiinta Madasha Samatabixinta.

Jubaland waxay sidoo kale ku boorrisay saraakiisha iyo askarta booliska gobolka Banaadir in ay si buuxda u gutaan waajibaadkooda, kuna dhaqmaan ilaalinta karaamada iyo xuquuqda shacabka. Waxay ku tilmaantay dhul-boobka iyo xoog ku qaadashada hantida shacabka mid ka hor imaanaya dastuurka iyo mabaa’diida dalka.