Hiiraan Online
10/16/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 25, 2025
Dowladda oo Ciidamo Hubeysan iyo Gaadiid Dagaal ku daadisay Waddooyinka Gala Guryaha Mucaaradka
Khamiis, September 25, 2025 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u kordhisay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee caasimadda iyadoo gaadiid dagaal iyo ciidamo hubeysan la dhigay dhammaan waddooyinka gala guryaha hogaamiyeyaasha mucaaradka.
Sawirro ay soo bandhigeen ilo ka tirsan mucaaradka ayaa muujinaya baabuurta gaashaaman oo lagu xirey baraha kontoroolka ee u dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.
Ilo-wareedyo mucaarad ah ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee tallaabadan tahay la socodka dhaqdhaqaaqa siyaasiyiinta mucaaradka iyo xakameynta hubka la sheegay in lagu daabulayo gudaha magaalada.
Tallaabadan ayaa si weyn u kicisay dareenka dadweynaha, iyadoo cabsi laga qabo in xaaladdu faraha ka baxdo oo ay isku dhacaan ciidamada iyo taageerayaasha mucaaradka.
Arintaan ayaa salka ku haysa iyadoo Mucaaradka ay ku howlan yihiin inay Sabtida soo socota qabtaan Dibadbaxyo nabadeed oo ay shegeen inay kaga soo horjeedaan dhul boob ay ku eedeeyeen inay wadaan qaar kamid ah madaxda dalka.