Hiiraan Online
10/16/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 25, 2025
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Dhammaadka Mandate-ka Khabiirka Madaxa-Bannaan ee QM ee Xuquuqda Aadanaha
Khamiis, September 25, 2025 (HOL) - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa si midaysan u ansixiyay go’aan muhiim ah oo lagu dhammeystirayo waajibaadka Khabiirka Madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya.
Go’aankani wuxuu calaamad u yahay isbeddel weyn oo dalka u qaaday dhanka madaxbannaanida iyo dhismaha hay’adaha qaran ee waara, Go’aanka cusub, oo la ansixiyay maanta wuxuu dhigaya in mandate-ka Khabiirka uu si rasmi ah ku idlaado dhammaadka bisha Oktoobar 2025.
Tallaabadani waxa ay ka mid tahay tiirarka muhiimka ah ee Qorshaha Kala-Guurka Xuquuqda Aadanaha ee 2025–2026, kaas oo ay hormuud ka tahay Dowladda Federaalka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay go’aanka mid taariikhi ah oo muujinaya kalsooni iyo diyaar u ahaanshaha dalka in uu la wareego kormeerka xuquuqda aadanaha si buuxda.
"Mudnaanta dowladda waa dhammaystirka iyo hawlgelinta buuxda ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha (NIHRC), Go’aanka maanta wuxuu astaan u yahay horumarinta dowladnimadeenna iyo dhisidda hay’ado qaran oo joogto ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Dowladda Federaalka ayaa qorshaynaysa in kormeerka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha lagu wareejiyo hay’adaha gudaha ee sharciyeysan, si ay ula jaanqaadaan dastuurka dalka iyo waajibaadka caalamiga ah.