10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 26, 2025
Mucaaradka oo Dowladda weydiistay in la sugo ammaanka shacabka goobaha ay dibad baxyadu ku qaban doonaan
 

Jimco, September 26, 2025 (HOL) - Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa xalay soo saaray warqad rasmi ah oo wargelin ah, taasoo si toos ah ugu socota Wasaaradda Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 

Warqaddan ayay ku wargeliyeen hogaanka Mucaaradka Dowladda in ay qabsan doonaan banaanbaxyo ballaaran oo subaxa Sabtida ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Warqadaan uu qoray xoghayaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed Korneel Maxamed Aadan Koofi ayaa baaq loogu diray Wasaaradda amniga inay sugto amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kasoo qeyb galaya banaanbaxyada sidoo kalana La fududeeyo marinada iyo waddooyinka ay dadka kusoo baxayaan si ay u gaaraan goobaha ay ka dhacayaan banaanbaxyada.

Banaanbaxyadan ayaa looga soo horjeedaa sida mucaaradka sheegeen dhulboobka iyo la wareegidda hantida guud, sida xarumaha danta guud iyo suuqyada magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay shacabka iyo siyaasiyiintu aad uga caroodeen, Sida la sheegay, tallaabooyinkaasi waxaa waday Dowladda Federaalka, taasoo dhalisay muran iyo caro ballaaran oo dalka ka taagan.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa horay uga digay shacabka in aysan ka qeyb galin banaanbaxyadan, Wuxuu sidoo kale ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo jebisa amarka maamulka, taasoo keentay cabsi iyo walaac hor leh oo ku saabsan sida ay xaaladda sabtida isu beddeli karto.