10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 26, 2025
Siyaasiyiin ka tirsan Mucaaradka oo Saacado u xirnaa laamaha ammaanka oo la sii daayay
 

Jimco, September 26, 2025 (HOL) - Mas'uuliyiin ka tirsan mucaaradka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in ciidammada ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay xireen saddex qof oo caan ah, kuwaas oo kala ah Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Cumar Cali Rooble, iyo ganacsatada Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale.

Xariggan ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Global ee magaalada Muqdisho, halkaas oo Cali Xaaji Iimaan uu deganaa, Saddexdan qof ayaa si weyn ugu dhawaa siyaasiyiinta mucaaradka, waxayna si fagaare ah uga cadeeyeen dhaliishooda sida dowladda u maareysey muranka dhulka ee Siinaay, oo maalmahan si weyn uga taagnaa gudaha caasimadda.

Maalin kahor xarigooda, raggan ayaa kamid ahaa koox siyaasiyiin ah oo lagu rasaaseeyey gudaha Xarunta saldhiga booliska ee Degmada Wardhiigley, iyadoo ay muuqato in cadaadis xooggan lagu saarayo mucaaradka si loo hakiyo abaabulka mudaharaad ballaaran oo lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho maalinta Sabtida. 

Dowladda ayaa si cad uga soo horjeedda mudaharaadkaas, iyadoo ku doodaysa in uu yahay mid khatar ku ah amniga, Wararka qaar ayaa sheegaya in xarigga saddexdan ruux uu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyey, iyadoo lagu tuhunsan yahay in uu yahay isku day lagu caburinayo aragtida mucaaradka.

Ugu dambeeyn dadaalo siyaasadeed ay sameeyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horseeday in Dhammaan saddexdii qof ee la xirey la sii daayo goor dambe oo xalay ah, inkastoo ilaa iyo hadda aysan jirin wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay dhanka dowladda oo ku saabsan sababta xarigooda ka dambeeysay.

Dhinaca kale, abaabulayaasha mudaharaadka ayaa sheegay in qorshuhu siduu yahay uu u socon doono, iyagoo ugu baaqay shacabka iyo beesha caalamka inay indhaha ku hayaan xadgudubyada ka dhanka ah xorriyadda hadalka iyo isu imaatinka.