10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 26, 2025
Sheekh Shariif oo goordhaw si adag uga hadlay xarig caawa Muqdisho loogu geystay Nabadoono
 

Jimco, September 26, 2025 (HOL) - Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa goordhow shaaciyay in Nabadoonada jufadiisa ah la xiray, islamarkaana uu isaga ka badbaaday isku day dil.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa Caawa ku xiray dhowr iyo toban xubnood oo ay ku jiraan Nabadoono si gaar ah ugu heyb ah madaxweynihii hore dalka Shariif Sheekh Axmed.

Nabadoonada iyo xubnaha kale ee Caawa la xiray ayaa shir ku lahaa Hotelka Lafweyn ee ku yaala degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ciidamada amniga kasoo xireen Nabadoonada iyo xubnaha kale.

Nabadoonadan Caawa la xiray oo gaarayay illaa 25 oday ayaa dib u helay xoriyadooda kadib saacado ay ku xirnaayeen saldhiga Booliska degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

"Waxaa la socotiin in ciidamo lagu soo wareejiyo meesha uu mucaaradka ku badan yihiin. Ciidamadan sow ma fiicnayn in aagaga dagaalka aadan" ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Hoggaamiyaha madasha Samatabixinta Soomaaliyeed Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay in banaanbaxa berri uu dhacayo, islamarkaana ay xaq u leeyihiin lagana laabaneyn shacabkana muujin doonaan dareenkooda.

Wuxuu sidoo kale xusay Shariif Sheekh Axmed ineysan jirin ciidan hubeysan oo ay wataan mucaaradka, isagoona sheegay in ciidankooda aysan ka duwaneyn ilaalada ay wataan madaxda dalka.

“Ilaalada aan wadano waa kuwii aan shalay wadanay waaye oo Madaxtooyada ku tegi jirnay, oo isbitaalka ku tegi jirnay, saldhiga in aan ku tagno maxaa diidaya. Saldhiga sidiisaba waa goob cadaaladeed, booliska wuxuu la shaqeeya maxkamadaha iyo cadaalada, oo mucaaradka tagaya oo muxaafidka tagaya” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Xariga Nabadoonada iyo xubnaha kale ee Caawa ayaa kusoo aadaya, iyadoo Xalay sidan oo kale ciidanka amnigu u xireen Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, ganacsatada Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale, hayeeshee saacado kadib lasii daayay.

Ugu dambeyntii xariga Nabadoonada ayaa noqoneysa mid sii hurinaya xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho, xili mucaaradku ay abaabulayaan banaanbax ballaaran oo berri ka dhacaya caasimadda Muqdisho kaasoo dowladda si weyn uga horjeedo.