10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 27, 2025
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Wafdi Ka Socda Jaamacadda Carabta kala hadlay Iskaashi Lagu Xoojinayo Waxbarashada iyo Horumarinta Afka Carabiga
 

Sabti, September 27, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay wafdi sare oo ka socda ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo dalka u yimid hirgalinta mashruuc weyn oo lagu taageerayo Manhajka waxbarashada dalka iyo horumarinta Afka Carabiga.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxa uu uga mahadceliyey Jaamacadda Carabta taageeradooda joogtada ah ee dhinacyada diblumaasiyadda, waxbarashada, dowlad-dhiska iyo doorka ay ka qaateen dayn-cafinta iyo taageerada dhaqaalaha dalka. 

Waxa uu sidoo kale sheegay in xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta uu yahay mid istiraatiiji ah oo muhiim u ah horumarka guud ee dalka.

Wafdiga Jaamacadda Carabta oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta, Zayd Al-sabbaan, ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda Soomaaliya iyo horumarka la taaban karo ee la gaaray, iyaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo midka horumarineed si loo gaaro mustaqbal ifaya.

Zayd Al-sabbaan ayaa sidoo kale ku adkeeyey in Jaamacadda Carabta ay sii wadi doonto taageerada mashruucyada muhiimka ah ee dalka, gaar ahaan kuwa waxbarashada iyo horumarinta Afka Carabiga, si loo hubiyo in jiilka soo koraya ay helaan manhaj tayo leh oo ku saleysan dhaqanka iyo luqadda Carabiga.

Kulanka ayaa muujiyey niyad wanaag iyo diyaar garow wadajir ah oo loogu jiro hirgalinta mashruucyo muhiim ah, kuwaas oo lagu taageerayo waxbarashada dalka iyo kobcinta dhaqanka iyo luqadda Carabiga, Waxaana la filayaa in iskaashigan uu sii xoojin doono horumarka iyo xasiloonida Soomaaliya mustaqbalka dhow.