Sabti, September 27, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka, Intii uu booqashada ku sugnaa, Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka, Daahir Carab, ayaa faahfaahin ka bixiyey safarka Madaxweynaha, isagoo tilmaamay kulamada muhiimka ah ee uu ka qayb galay.
Danjiraha Daahir Carab ayaa sheegay in safarka Madaxweynaha uu ahaa mid lagu xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo diiradda la saaray iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo wada shaqeynta siyaasadeed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale la yeeshay kulan muhiim ah oo uu la qaatay mas’uuliyiin Mareykan ah, siyaasiyiin, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah, si looga wada hadlo taageerada joogtada ah ee loo fidiyo Soomaaliya xasiloonideeda iyo horumarkeeda.
Safiirka ayaa ku tilmaamay Booqashada Madaxweynaha ee New york iyo kulamada uu madaxda la qaatay inay ahayd kuwo lagu xoojinayo xiriirka laba-geesoodka ah ee ay Soomaaliya la leedahay Mareykanka iyo wadamada kale, isla markaana ay muhiimad siineyso wada shaqeynta joogtada ah si loo wajaho caqabadaha gobolka loona dhiirrigeliyo nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya.
Guud ahaan, safarka Madaxweynaha iyo kulamadii uu ka qayb galay ayaa Safaaradda Soomaaliya waxay ku tilmaamtay mid ka tarjumaya dadaal istiraatiji ah oo lagu xoojinayo iskaashig iyo horumarka iyo sumcadda caalamiga ah ee Soomaaliya ay ku dhex leedahay wadamada caalamka.