10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 27, 2025
Furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Lagu Wado Inuu Bilaabmo 29-ka Sebteembar 2025
 

Sabti, September 27, 2025 (HOL) - Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo Isniinta, 29-ka Sebteembar 2025, sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay hoggaanka baarlamaanka.

Diyaar garowga furitaanka kalfadhigan ayaa si habsami leh uga socda Muqdisho, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, la filayo inuu dalka dib ugu soo laabto saacadaha soo socda kadib markii uu ka qaybgalay kalfadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee lagu qabtay Mareykanka.

Sida uu qabo Qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furaya kalfadhiga isaga oo jeedin doona khudbad dastuuriga ah oo uu kaga hadlayo waxqabadka dowladda iyo qorsheyaasha horyaalla baarlamaanka mudada uu socdo kalfadhigu.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay iftiimiso guulaha ay gaartay dowladdu iyo arrimaha mudnaanta leh ee looga baahan yahay Baarlamaanka inuu diiradda saaro.

Furitaanka kalfadhigan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah xaaladda siyaasadeed ee haatan taagan, maadaama ay jiraan mowjado siyaasadeed oo soo kacaya iyo mooshino ay xildhibaanadu horay u gudbiyeen.

Xog rasmi ah ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka ambabixi doono Mareykanka saacadaha soo socda si uu usoo gaaro magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa faray in dhammaan xildhibaanadu dalka dib ugu soo laabtaan si ay uga qayb qaataan furitaanka kalfadhiga, Xildhibaano badan ayaa ku maqnaa dibadda, waxaana la dareemayaa baahi degdeg ah oo ku aaddan inay soo gaaraan dalka si kalfadhigu si rasmi ah u furmo.