Sabti, September 27, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay burburiyeen awoodda in ka badan laba kun oo dagaalyahan oo badankoodu ajnabi ahaayeen, kuwaas oo Daacish ku haysteen dhulka ku teedsan togga Jaceel ee buuraha Calmiskaad.
Madaxweyne Deni oo bixiyay wareysi tan iyo sidii uu u bilowday dagaalka Daacish, wuxuu sheegay in qorshaha Daacish uu ahaa in bishii June ay weerar culus kusoo qaadaan magaalada Boosaaso, balse sirdoonka Puntland ay ka hortageen kadib markii ay heleen xogta weerarka.
Madaxweyne Deni ayaa intaas ku daray in dagaalamayaasha Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad aysan ka badneyn dhowr iyo sodomeeyo, kuwaas oo u abaabulan kooxo toban toban ah. Wuxuu sheegay in howlgalka ka dhanka ah Daacish la soo gabagabeeyay 95%.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in ururka Daacish uu haystay hub noocyo kala duwan leh iyo xarumo ay ku sameysteen beeo iyo warshado hub lagu farsameeyo, taasoo uu sheegay in ay caddeyn u ahayd inay qorsheynayeen joogitaan dheer.
madaxweynuhu wuxuu sheegay in dagaalkaan Puntland ay ku wayday boqolaal askari, iyo kumanaan dhaawac ah. Wuxuu si gaar ah ugu mahad celiyay dowladaha Mareykanka iyo Imaaraatka Carabta oo taageero muuqata ka siiyay dhinacyada duqeymaha iyo xogta sirdoonka.