10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 27, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh: Somaliland waa waddan nabad ah oo dimuqraadi ah, mana xaasidno
 

Sabti, September 27, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo intii uu socday kulanka Qaramada Midoobay wax laga weydiiyay arrimaha Somaliland, ayaa sheegay in dadka Somaliland ay dhiig, diin iyo dhaqanba la wadaagaan shacabka Soomaaliya, sidaas darteedna ay ka shaqaynayaan sidii loogu qancin lahaa midnimada.

Madaxweynuhu waxa uu dheeraaday ka hadalka taariikhda Soomaalida, isaga oo sheegay in gumaystuhu uu u qaybiyay shan qaybood, kadibna ay laba midowdeen, isla markaana calanka Soomaaliya uu tilmaamayo mideynta shanta Soomaaliyeed, gaadhitaankii riyaadaas awgeedna ay dagaallo ula galeen Itoobiya.

“Somaliland waxay ahayd qayb ka mid ah Soomaaliya oo uu gumaystay Ingiriisku, qaybta kalena Talyaanigu ayaa gumaystay. Waxaanu nahay isku qoomiyad, hal luuqad iyo hal diin ayaanu wadaagnaa. Kala duwanaanshaha kaliya waxa weeye iyaga Ingiriis ayaa gumaystay, anagana Talyaani, taasina ma aha kala duwanaansho,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu Somaliland ku eedeeyay inay ka faa’iidaysatay jilicsanaanta dowladda Soomaaliya, isla markaana ay sheegatay gooni-isu-taag, balse taasi uu sheegay inay dhammaan doonto, isaga oo xusay in midnimada Soomaaliya ay sharci ku dhisan tahay.

“Weli qas ayaa jira, laakiin waxaannu ku soconnaa sidii aanu dalka oo dhan u dejin lahayn, isla markaana Somaliland dib ugu soo celin lahayn, annaga oo u marayna waddo nabadeed,” ayuu yidhi.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay horumar weyn samaysay, isla markaana ay tahay goob nabad ah oo dimuqraadi ah. “Somaliland horumar weyn ayay samaysay taa ma dafiri karno. Waddanku guud ahaan waa nabad, ku dhaqanka dimuqraadiyaduna waxa uu marayaa heerarkii hore, mana xaasidno waxa fiican ee ay qabteen,” ayuu yidhi.

Dhanka kale, madaxweynuhu waxa uu sheegay inaanay faragelin arrimaha horumarinta ee Somaliland, sida dhismaha dekedda Berbera, inkasta oo Baarlamaanka iyo dowladda Soomaaliya ay cod dheer ku diideen maalgelinta dekeddaas, iyada oo golayaasha sharci-dejintuna ay qaraar ku diideen.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Dayr), oo u jawaabay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in Somaliland aanay ka go’in Soomaaliya balse ay ka noqotay midowgii ay la gashay. “Somaliland kama go’in Soomaaliya, waxayse dib ula soo noqotay madaxbannaanidii ay xaqa u lahayd ee ay qaadatay 1960-kii,” ayuu yidhi Afhayeen Dayr.

Sidoo kale waxa uu sheegay inaan weligiis la sharciyeeyn midowgii ay Somaliland la gashay Soomaaliya, waxa uu ku tilmaamay midowgaasi inuu ahaa ilduuf, oo uu dadka reer Somaliland u horseeday burbur iyo xasuuq loo geystay.

Ugu dambayn, waxa uu sheegay in madaxda Soomaaliya uu u soo jeedinayo inay awoodda saaraan hagaajinta dhulka ay maamulaan, isla markaana uu sharci yahay jiritaanka dowladnimada Somaliland.