Axad, September 28, 2025 (HOL) - Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ku guuleysatay hawlgal qorsheysan oo ay ku qabteen qof asal ahaan Soomaali ah balse haysta dhalashada mid kamid ah dalalka Yurub.
Qofkan ayaa lagu eedeeyay in uu si sharci-darro ah uga shaqeynayay tahriibinta dadka, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaasoo lagu daabulo waddamo kala duwan iyada oo la marsiinayo dariiqyo khatar ah.
Hawlgalka lagu qabtay eedeysanaha ayaa lagu fuliyay iyadoo la adeegsanayo qalabka casriga ah ee lagu hubiyo laguna raad-raaco dukumentiyada socdaalka, taasoo fududeysay in si degdeg ah loo aqoonsado loona xiro.
Mas’uuliyiinta Hay’adda Socdaalka ayaa sheegay in eedeysanaha muddo lagu raad-joogay, isla markaana xogaha la helay ay caddeeyeen in uu door muuqda ku lahaa isku dubaridka safarrada sharci darrada ah, taasoo halis gelisay nolosha dhalinyaro badan.
Ugu dambeyn, eedeysanaha ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay Hay’adda Dambi Baarista si ay u dhamaystiraan baaritaannada sharciga ah, una gudbaan tallaabooyinka xiga ee dacwadda.
Hay’adaha ammaanka ayaa ku booriyay shacabka in ay la shaqeeyaan hay’adaha dowliga ah si loo xakameeyo dambiyada la xiriira tahriibka iyo ka ganacsiga dadka, kuwaas oo si xun u saameeya bulshada, gaar ahaan dhallinyarada.