Axad, September 28, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si weyn uga digay khatarta sii kordheysa ee ka imaaneysa adeegsiga xad-dhaafka ah ee Teknolojiyadda Sirdoonka Artificial (AI), gaar ahaan sida loogu adeegsanayo in lagu faafiyo warar been abuur ah iyo muuqaallo khaldan oo si qaldan u metelaya hoggaamiyeyaasha dalka.
Kulan uu Madaxweynaha kaga qeyb galay Golaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka (Council on Foreign Affairs), ayuu ku sheegay in teknoolojiyadda AI ay hadda si xawli ah u korayso, islamarkaana la sameynayo codad, sawirro, iyo muuqaal ahaan sax ah, balse aan run ahayn, oo isaga iyo madax kale lagu been abuurayo.
“AI si dhaqso ah ayay u horumareysaa, Codad, sawirro, iyo muuqaallo ayaa la sameynayaa anigoo hadlaya, laakiin waligay ma oran, Arrintani waxay si weyn u saameysay bulshada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in in kasta oo xorriyadda hadalka ay tahay mid lama taabtaan ah, aanay marnaba la aqbali karin in si qalad ah loo adeegsado si loo kiciyo rabshado ama loo abuuro qalalaase bulsho.
“Qofku in uu fikraddiisa dhiibto waa 100% la aqbali karaa, laakiin hub la qaato iyo rabshado lama oggolaan karo,” ayuu sii raaciyay.
Maalmahan dambe, baraha bulshada ee Soomaaliya waxaa si weyn u hareeyay muuqaallo iyo codad been abuur ah oo la tuhunsan yahay in lagu sameeyay AI, kuwaas oo si gaar ah u beegsanaya Madaxweynaha iyo mas’uuliyiin kale.
Khubaro dhinaca amniga iyo tiknoolajiyadda ah ayaa ka digay in faafinta warar noocaas ah ay keeni karto jahawareer bulsho, hoos u dhac ku yimaada kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowladda, iyo dhibaatooyin siyaasadeed oo khatar ah.