10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 28, 2025
Nin madax ka ah shabakad ka ganacsatada jidhka hablaha oo lagu xidhay Imaaraatka Carabta
 

Axad, September 28, 2025 (HOL) - Charles “Abbey” Mwesigwa, oo ah muwaadin Yugaandhiis ah oo BBC-du khashiftay in uu madax ka yahay shabakad sharci-darro ah oo haweenka ku xadgudubta, ayaa lagu xidhay magaalada Dubai kadib markii baadhitaan ballaadhan oo ay sameeyeen wariyeyaasha BBC Africa Eye lagu iftiimiyay hababka uu u adeegsado marin-habaabinta gabdhaha da’da yar si uu uga ganacsado jidhkooda.

Baadhitaanka ay BBC du samaysay oo ah mid si heer sare ah loo agaasimay ayaa soo bandhigay in Mwesigwa uu gabdho badan oo dhashay dalka Yugandha uu ku qancin jiray innay safar shaqo ku tagaan Dubai, isaga oo u ballanqaadaya fursado sida ka shaqaynta huteellada ama dukaamada, balse markii ay halkaas gaadhaan lagu khasbi jiray inay galmo sharci-darro ah la sameeyaan macaamiisha Mwesigwa.

Mid kamid ah wariyayaasha BBC-da oo isu ekaysiiyay macmiil doonaya in adeeg loo sameeyo ayuu u sheegay in qiimaha habluhu ay ka bilaabmaan $1,000. Waxa uu ku faanay in haweenkaasi ay macmiilka u samayn doonaan “wax kasta” oo macaamiishu rabaan.

Xogta la helay ayaa tilmaamaysa in Mwesigwa hadda lagu hayo xabsiga dhexe ee Al Awir ee Dubai, inkasta oo aan weli si cad loo shaacin dacwadaha loo haysto. Ninkan ayaa lagu xidhay amar kasoo baxay booliiska interbool qaybta dalka Yugaandha.

Qunsuliyadda Yugaandha ee Abu Dhabi ayaa hore u sheegtay in baadhitaanno socdaan isla markaana tallaabo laga qaaday arrimaha la xidhiidha tahriibinta haweenka. Warbixinta BBC-da ayaa sidoo kale soo bandhigtay gabdho sheegay in qaar ka mid ah macaamiisha shabakaddu ay ku khasbi jireen falal aad u gurracan oo dhaawac iyo xanuun u geystay.

Mwesigwa dhankiisa waxa uu ku dooday inuusan dambi gelin, isla markaana uu kaliya ka caawin jiray haweenka kirada guryaha iyo xidhiidhka bulshada. Hase yeeshee, laba haween ah oo shabakaddiisa lala xidhiidhiyay ayaa geeriyooday kadib markii ay kasoo dhaceen dhismayaal dhaadheer, isla markaana ehelkooda ayaa dalbanaya in si qoto dheer loo baadho kiiskooda.

Hablaha kale ee ka shaqeeya goobtan ayaa sheegay in ay aaminsanyihiin in labada hablood si ula kac ah looga soo tuuray dabaqyo dhaadheer, kadib markii ay diideen in ay sameeyaan falalka qaarkood oo lagu qasbay.

Arrintan ayaa hadal hayn wayn ka abuurtay guddaha baarlamaanka Yugaandha, iyada oo xubanaha baarlamaanka iyo masuuliyiinta xukuumadu ay ku tilmaameen “arrin naxdin leh”, iyaga oo ballanqaaday inay si dhow ula shaqayn doonaan booliiska Interbool iyo Imaaraadka si caddaalada loo horgeeyo dadka shabakadan ku lugta leh.