Axad, September 28, 2025 (HOL) - Dekedaha magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera ayaa loo aqoonsaday kuwa ugu wanaagsanaa Bariga Afrika sanadkii tagay ee 2024-kii, sida lagu shaaciyay daraasad ay si wadajir ah u soo saareen Bangiga Adduunka iyi Hay’adda Xog uruurinta Suuqa Caalamiga ah.
Halbeegga Container Port Performance Index (CPPI) ayaa lagu sheegay in labada Dekadood ee Muqdisho iyo Berbera ay qabteen shaqooyin badan marka la barbar dhigo Dekedaha kale ee ku yaala Bariga Qaaradda Afrika.
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in ay soo dhaweyneyso qiimayntaan oo ay ku tilmaamtay guul muhiim ah oo dhaxalsiisay Dekedaha Muqdisho iyo Berbera.
Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa sidoo kale lagu sheegay in daraasadaan lagu qiimeeyay 407 Dekedood oo ku yaala Adduunka oo dhan oo ku jireen 47 Deked oo Afrika ah, kuwaas oo lagu eegay dhinaca waqtiga Markabka ku qaadanayo inuu yimaado Dekedda uuna ka shiraacanayo.
“Warbixinta halbeegga CPPI ee la shaaciyay 24 Sebteember laguna qiimeeyay 407 dekadood oo adduunka oo dhan ah oo ay ku jiraan 47 dekadood oo Afrika ah, iyada oo laga eegayay waqtiga ay markabka ku qaadanayso in uu yimaado dekadda kana shiraacdo ayaa dekadda Muqdisho waxa ay noqotay midda ugu horreysa Bariga Afrika halka adduunka oo dhan ka gashay kaalinta 163-aad, sidoo kale Dekadda Berbera ay gashay kaalinta labaad ee Bariga Afrika iyo adduunka oo ay ka gashay kaalinta 243-aad, taas oo ka dhigan in ay labaduba ka waxqabad wanaagsanaadeen dekedaha facawayn ee gobolka.” Ayaa lagu yiri warka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay ka go’an casriyeynta Dekedaha dalka kordhinta hufnaanta iyo in laga dhigo marino lagu kalsoonaan karo oo soo joota ganacsiga caalamiga ah.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda oo dhameystiran:-