Axad, September 28, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya is rasaaseeyn duhurnimadii maanta ku dhexmartay bartamaha magaalada Baledweyne askar ka wada tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya.
Is rasaaseynta ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay mid ka mid askarta is rasaaseeysay halka askari kale iyo shan qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen is rasaaseynta.
Is rasaaseynta askartaan oo la tilmaamay iney ka tirsanayeen ciidanka loo yaqaano Ilaalo Qaran ayaa la sheegay iney timid kadib markii askarta qaar ka mid ah dhaceen Jaad haweeney ku iibineysay Suuqa Daraawiishta magaalada Baledweyne.
"Laba askri oo Ilaalo Qaran ka tirsan ayaa Jaad ka dhacay Haweeney iibineysay, waxaana arinkaas la kulmay askar kale markey isku dayeen iney ka celshaan dhaca xabad ayay lagu bilaabay kadibna mid ayaa dhintay mid kalana wuu dhaawacmay iyo shan qofood oo shacab ahaa" ayuu yiri qof goobjooge ahaa.
Dhacdadaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo amniga guud ee magaalada Baledweyne mudooyinkii dambe uu ahaa mid aad xun, waxaana xiliyada habeenkii si aad ah loo dhaca dadka shacabka ah, mana jirto cid isku taagtay iney ka hortagto falalkan lidiga ku ah amniga.