Hiiraan Online
10/16/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 3 , 2025
Howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsana kooxda Al-shabaab
Arbaco, September 3, 2025 (HOL) - Ciidanka hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo garab ka helaya kuwa saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorsheysana ku dilay horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Ciidanka NISA ayaa howgalkan oo ka dhacay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan ku dilay madaxii amniyaadka Maleeshiyaadka Al-shabaab ee gobolka Hiiraan oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Cabdullaahi Dalab, kaasoo kooxda looga dhex yaqiinay Caamir.
Horjoogahaan la dilay ayaa la tilmaamay in kooxda uu mudo dheer u qaabilsanaa qorsheynta iyo fulinta falalka argagixisada ee ka dhaca deegaanada gobolkada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
War kooban oo kasoo baxay dowlada ayaa lagu sheegay in dilka horjooge Caamir uu yahay guul weyn oo lagu wiiqayo kooxda Al-Shabaab ee dhaqdhaqaaqyadooda sahayda iyo isku xirka kooxda ee bartamaha iyo koonfurta dalka.
Si kastaba ha ahaatee maalmihii u dambeeyay ciidanka NISA ayaa kordhiyay weerarada qorsheysan ee lagu beegsanayo maleeshiyaadka iyo horjoogeyaasha Al-Shabaab, taasoo qeyb ka ah dagaalka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso iney dalka kaga xureyso Al-shabaab.