10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 30, 2025
Hay’adda Istaatistikada Qaranka oo Bilaawday Sahanka Dhaqaalaha Ganacsiga ee 2025
 

Talaado, September 30, 2025 (HOL) - Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday bilaabidda sahanka sannadlaha ah ee dhaqaalaha ganacsiga oo laga sameynayo guud ahaan dalka. 

Sahankan oo si rasmi ah u billowday, ayaa lagu ururinayaa xog muhiim ah oo la xiriirta dhaqdhaqaaqa ganacsiga si ay ugu adeegto qorsheynta horumarka dalka, Sida lagu sheegay warqad rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda, Dr. Cabdiisalaan Cabdiraxmaan Maxamed.

Xogta sahankan laga helayo waxay door weyn ka ciyaareysaa, Dejinta siyaasadaha dhaqaale ee dalka, Qiimeynta wax-soo-saarka guud ee dhaqaalaha, Horumarinta maalgashiga gudaha iyo dibadda Iyo guud ahaan qorsheynta istaraatiijiga ah ee dowladda.

Hay’adda waxay xustay in xogta ganacsiyada laga uruurinayo loo adeegsanayo keliya ujeeddooyin tiro-koob, ayna si buuxda u ilaalin doonto sirta iyo qarsoodiga ganacsiyada.

Waxay sidoo kale ugu baaqday ganacsatada, shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay inay si hufan u la shaqeeyaan kooxaha xog-ururinta ee Hay’adda, Sida ku cad Sharciga Istaatistikada ee 2020, dhammaan ganacsiyada waxaa waajib ku ah inay bixiyaan xogta lagama maarmaanka ah marka si sharci ah loo codsado.

Dr. Cabdiisalaan ayaa sheegay in xogtan la helayo ay ka tarjumeyso xaaladda dhabta ah ee dhaqaalaha dalka, taas oo ugu dambeyn faa’iido u leh bulshada, dowladda iyo ganacsatada laftooda.

Ugu dambeyn, Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya waxay ka codsatay dhammaan ganacsiyada dalka inay gacan ka geystaan hawshan qaran ee muhiimka ah.