10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 30, 2025
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Ciidamo Dheeraad ah u Diray Jiidaha Hore si ay u Xoojiyaan Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
 

Talaado, September 30, 2025 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa ku dhawaaqay in ciidamo cusub oo ka tirsan Asluubta la geeyay jiidaha hore ee dagaalka si ay u xoojiyaan howlgalada milatari ee ka socda gobollo badan oo dalka ah, kuwaas oo lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab.

Jeneraal Mahad ayaa sheegay in go’aankan lagu doonayo in lagu adkeeyo dadaallada wadajirka ah ee ay wadaan ciidamada amniga Soomaaliyeed ee ku sugan jiidaha dagaalka, Waxa uu xusay in Ciidanka Asluubta, oo markii hore u xil saarnaa ilaalinta xabsiyada iyo maxaabiista halista ah, ay hadda si firfircoon uga qaybgalayaan hawlgallada amniyeed ee dalka.

“Ciidamada cusub ee aan tababarnay waxay buuxin doonaan kaalmooyin muhiim ah, waxayna garab istaagi doonaan ciidamada horey ugu sugnaa jiidaha hore,” ayuu yiri Jeneraal Mahad.

 “Kuwa hore ugu sugnaa waxay hayaan xariiqda dagaalka, halka kuwa cusubna ay sii xoojin doonaan howlgallada socda.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Taliyuhu waxa uu ugu baaqay ciidamada cusub in ay muujiyaan karti, xilkasnimo iyo anshax, isagoo carabka ku adkeeyay in sugidda amniga qaranku tahay waajib ay wadaagaan dhammaan laamaha kala duwan ee ciidanka.

Ciidanka Asluubta oo si gaar ah ugu takhasusay sugidda amniga xabsiyada iyo ilaalinta maxaabiista khatarta ah, ayaa hadda loo adeegsanayaa hawlgallada dagaal, taasoo qeyb ka ah istaraatiijiyadda guud ee dowladda Soomaaliya ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

Bishii u dambeysay, ciidamada amniga Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah iyo kuwa heer gobol, ayaa sare u qaaday duqeymaha iyo howlgalada lagula dagaallamayo Al-Shabaab, iyagoo beegsanaya xarumaha iyo fariisimada kooxda ee Koonfurta iyo Bartamaha dalka.