Talaado, September 30, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo hadal ka jeediyay Shirka Maalgashiga ee u dhexeeya Imaaraatka iyo Afrika, ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay maalgashi caalami ah.
Waxa uu ugu horrayn ka hadlay taariikhda Somaliland, isaga oo xusay in Somaliland ay xorriyaddeeda ka qaadatay dhammaan waddamada gobolka ka hor, taasina ay caddeyn u tahay qaranimadeeda. Waxa uu sidoo kale sheegay in Somaliland ay soo dhoweynayso dhammaan maalgashadayaasha, isaga oo ku faanay in uu yahay madaxweynaha kaliya ee si toos ah shacabka ugu doorteen isku darka Somaliland iyo Soomaaliya.
“Waxaanu nahay waddan xor ah oo soo dhoweynaya maalgashadayaasha. Waxaanu leenahay siyaasad suurtagal ka dhigaysa in Somaliland lagu maalgashado. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa DP World, oo ah shirkaddii maalgashiga ugu ballaadhan ka samaysay Somaliland, iyadoo casriyeysay dekedda, aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera, iyo waddada isku xidha Berbera iyo Itoobiya,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Waxa uu si gaar ah u xusay in maalgashadayaasha danaynaya inay Somaliland maalgashadaan lagu soo dhoweynayo dhinacyada tamarta, korontada, badda iyo dhaqaalaha buluuga ah, caqliga macmalka ah (AI), macdanta, iyo beeraha.
“Somaliland waa dhulka fursada, waa dhul dihin oo diyaar u ah maalgashi,” ayuu yidhi.
Madaxa shirkadda DP World, Sultan Axmed bin Sulayem, ayaa isaguna sheegay in Somaliland aad ugu habboon tahay maalgashi, isla markaana ay si diirran u soo dhoweyso maalgashadayaasha.
Waxa uu xusay in goobta ay Somaliland ku taallo ay tahay mid istiraatiiji ah, oo afka ku haysa wadooyinka ganacsi ee ugu waaweyn adduunka, sidoo kalena ay jaar la tahay Itoobiya oo baahi weyn u qabta deked ay wax kala soo degto.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dekedda Berbera ay hadda kamid tahay dekedaha ugu waaweyn gobolka, kaddib markii ay si weyn u maalgaliyeen.
Waa markii labaad ee uu Madaxweynaha Somaliland Imaaraatka kaga qaybgalo shir caalami ah oo lagu falanqeynayo maalgashiga iyadoo xukuumaddiisu doonayso inay hesho maalgelin caalami ah oo lagu horumariyo Somaliland.