Talaado, September 30, 2025 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu soo xiriraayay aqoon isweydaarsi cilmiyeed cinwaankiisu yahay “Daraasadda Xaalka iyo Mustaqbalka Af-Carabiga ee Soomaaliya”
Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Carabta waxaa goobjoog ka ahaa wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo uu hogaaminayay Zaid Al-Subban.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabada carrabka ku adkeeyay in Af-Carabiga uu yahay gundhigga diinta iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed, islamarkaana uu yahay buundo muhiim u ah xiriirka Soomaaliya iyo dunida Carabta iyo Islaamka.
Wuxuu sidoo kale xusay Wasiir Fiqi in Wasaaradda Gaashaandhiggu qorshaynayso in Af-Carabiga lagu daro barnaamijyadeeda tababarka iyo waxbarashada, iyadoo lagu horumarinayo manhajyada ciidanka.
"Waa in la ballaariyaa iskaashiga dalalka Carabta ee dhinacyada tababarka iyo aqoonta, si loo diyaariyo jiil saraakiil ah oo si hufan ugu meteli kara Soomaaliya goobaha caalamiga iyo kuwa gobolka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhiga ayaa uga mahadceliyay Jaamacadda Carabta taageerada ay la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, isagoona ku amaanay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada waxbarashada, dhaqanka iyo amniga.