10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 30, 2025
Maxkamadda gobolka Banaadir oo la hor geeyay nin lagu eedeeyay inuu ilmo yar god ku aasay
 

Talaado, September 30, 2025 (HOL) - Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta Maxkamada gobolka Banaadir u gudbiyay dacwada eedeysane Cali Cabdi Sheekh Khadar oo loo yaqaano Dhegadiish,  kaasoo lagu eedeeyay inuu ilmo yar ku riday god, kuna aasay, islamarkaana ka duubay muuqaal uu ku baahiyay baraha bulshada.

War qoraal ah oo kasoo baxay xaafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in markii Maxkamaddu ay ku qanacday caddeymaha hordhaca ah ee la horgeeyay iney xukuntay eedeysanaha in lagu hayo xabsi ku meel gaar ah inta baaritaanku socdo.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku adkeeyay ciidanka Booliiska Soomaaliya iney xoojiyaan dadaallada la xiriira ka hortagga dambiyada ka dhaca baraha bulshada, gaar ahaan kuwa liddi ku ah xuquuqda aasaasiga ah ee carruurta.

“Xafiisku, asaga oo gudanaaya mas’uuliyadda ilaalinta iyo karaamada carruurta Soomaaliyeed wuxuu digniin adag u dirayaa cidkasta oo ku xadgudubta carruurta in laga qaado tallaabo adag, lana horgeyn doono Maxkamadda awoodda u leh” ayuu lagu qoraalka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. 

Waxaa sidoo kale warka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka digniin culus loogu diray cid kasta oo ku xadgudubta carruurta in tallaabo sharci ah laga qaadi doono, laguna horgeyn doono Maxkamadaha awoodda u leh qofkii lagu helo fal nuucaas ah.

Hoos ka akhriso qoraalka kaspo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka:-