8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Xukuumad dhiigmiirato ah
By Abdirahman Abdishakur Warsame
Saturday August 9, 2025
 

Dawladaha nugul sida Soomaaliya oo kale hoggaamintu ma aha awood la hanto ee keli ah, waase in la soo celiyo kalsoonidii dadka u dhexeysay, aaminaddii ay dowladda ku qabeen iyo midaynta qaranka kala qoqoban. 

Nasiibxumo, maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu qaaday waddo taa lid ku ah. Halkii uu Soomaaliya xasillin lahaa, wuxuu xoojiyey musuqmaasuqa iyo kala qaybsanaanta, isagoo dantiisa shakhsiga ah ka hor mariyey middii shacabka.

Hoggaamiyayaasha dhabta ahi, waxay u adeegaan dadkooda, dhiigmiiratadu se waxay u adeegaan naftooda.  Xukunka MXS wuxuu noqday ganacsi qoyseed (family enterprise), damiirka dadka oo la iibsado, hantidii dadweyne oo loogu takrifalo sidii mid gaar ah, iyadoo loo qaybinayo xulafada siyaasadeed, xubnaha qoyska, iyo geesawayn kooban oo macaash doon ah, halka danyartii ay kadeedan yihiin oo ay silcayaan. Tani ma aha hoggaamin ee waa boob iyo dhac. 

Sharciyada Xukuumadda waxa lagu dhisaa waxqabad ee laguma dhiso khudbado maran. Waxaan aragnaa tiyaatar siyaasadeed, munaasabado dhoolatus ah iyo ballanqaadyo wax-kama-jiraan ah, iyadoo argagexisadii soo xoogaysanayso, caddaaladana la iibsanayo sidii loo kala lacag badan yahay, adeegyadii asaasiga ahaana ay sii gabaabsanayaan. 

Musumaasuqii ayaa sidii furuqii u faafay, nin walbow naftaa iyo wixii aad soo gaarto xaabso ayey noqotay eexdii ayaa la sharciyeey, isla xisaabtankiina waa la xabaalay, natiijadii waxay noqotay,, xukuumaddii in ay lumisay kalsoonidii shacabka, muwaddiniintiina ay ku ridday quus iyo niyadjab wayn. 

Hab-dhaqankaan lagu naaxinayo geesawaynta taageersan maamulka, qoyska iyo xulafada siyaasadeed oo keliya ah waa eex sumaysan oo shidaalinaysaa caro xooggan, wiiqaysana midnimadii qaranka, waxaayna dhiirrigelinaysaa kooxaha argagexisada ah.

Furimihii dagaalka waa la soo banneeyey, ciidanka dowladda waxaa loo adeegsadaa barakicinta danyarta lagala baxayo dhulka dowladda ee laga iibanayo ganacsato iyaguna dhiigmiirato ah, waxaa kaloo ciidanka loo adeegsadaa in qalalaase looga abuuro maamul gobolleedyada, (Raaskambooni iyo Gedo) ayaa tusaale ah. Dhanka kale, ciidankeennii waxa lagu hayaa mushahar yari, agab yari iyo niyad jabin joogto ah, iyada oo ay xulafadii madaxweynaha oo keli ah ay hodmayaan.

Soomaaliya ma awoodi karto xukuumad u talisa nafteeda ee aan dadkeeda u talin. Waxaan u baahannahay hoggaan mudnaanta siiya dhismaha kalsoonida shacabka iyo aaminadda ay dowladda ku qabaan, taasoo ku iman karta caddaalad, sinnaan, hawl hufnaan, karti iyo waxqabad.

Waa in aynaan daawan danyarta xaqooda la duudsiinayo, waa in innagoo isku duuban aan ka hortagno imbaraadooriyadda musuqa iyo maamulka dhiigmiiradka ah ee jidka burburka inoo wada.

Xilligii isbeddelku waa hadda.

Waxaa qoray Xildhibaan: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.


 





Click here