By Abdirahman Yusuf Al-adala
Sunday September 14, 2025

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray Ceeldheer, Bariirre, Sabiid, Caanoole iyo Wargaadhi waxa ay direen dhawr fariimood oo mudan in lagu baraarugo.
Fariinta koowaad: Waxa ay muujiyeen awoodda Ciidanka Qaranka in ay difaac iyo duullaan labaduba ku jabin karaan ugana adag yihiin Khawaarijta, sababta oo ah dagaallada qayb waxay ahayd duullaan ay soo qaadday Khawaarijtu sida Ceeldheer iyo Wargaadhi si xun ayaana loogu jabiyay, halka Bariirre, Sabiid iyo Caanoole ay Ciidanka Qaranka duullaan ahaayeen kuna jabiyeen difaacyadii Khawaarijta halkaasi ku lahayd.
Fariinta labaad: waa in si cad Ciidanka Qaranka u beeniyeen fariimihii Siyaasadaysnaa ee sheegayay in Ciidamada kala daateen ama aanay u babac dhigi karin duullaanada Khawaarijta, mar haddii ay weerarro lagu tilmaamay kuwii ugu xooganaa, uguna abaabulnaa ee Khawaarijta iyo difaacyadii ugu adkaa ee dhulka hoostiisa ay ka samaysteen Khawaarijtu ay labaduba dulmareen Ciidanka Qaranku.
Fariinta sadexaad: waa in ay beenawday fariimaha dibadda iyo gudaha ee sheegayay in khawaarijtu ay qarka u saaran tahay in ay Dalka qabsato, maadaama maalin cad lagu jabiyay duullaanadii ay soo qaadeen iyo difaacyadoodii ay ku dhuumaaleysan jireen intuba.
Fariinta afaraad: waa in sida muuqata hadda ay Ciidamada Qaranku fahmeen xeeladna u yeesheen fashilinta tabihii ugu dambeeyay ee ay Khawaarijtu isticmaalaysay sida Gawaarida Qaraxyada ah oo sida lawada arkay ay qarxiyeen Ciidamadu kahor inta aanay soo gaarin xeryahooda iyo iska caabinta weerarada xero taraarka ah ee Khawaarijta oo qaraxyada kadib ay ku geli jireen xarumaha Ciidamada, balse hadda la arkay iyaga oo Maydkooda la is dulsaaray inta aanay gaarin yoolkooda.
Isku-gayntu waxa ay tahay, waa xaqiiq in Dalkeennu ku jiro dagaal daba dheeraaday oo ka dhan ah Khawaarijta doolka ah, waa xaqiiq in ay yihiiin qatar Qaran oo dhab ah, waxaase xaqiiqo kale oo jirto ah in 15-kii sano ee la soo dhaafay Khawaarijtu ay sii daciifaysay awood ahaan, halka Ciidanka Qarankuna soo xoogaysanayay taas oo ka dhigan in aan si togan cagta ugu hayno jidkii aan uga takhalusi-lahayn Khawaarijta, Insha Allah.
Calaamadda ugu wayn waa xasiloonida ay dareemayaan dadka ku nool magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Marka, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Boosaaso iyo goobo kale oo si joogta ah ay Khawaarijtu qaraxyo iyo dilal uga gaysan jirtay balse Bulshooyinka ku nool Magaalooyinkaas ay hadda ka nasteen maqalka xanuunadaas kadib markii loo awood sheegtay Khawaarijta.
Ku darso dhamaan Dhulka lagu dagaallamayo maanta, sanado yar kahor wuxuu ku jiray gacanta Khawaarijta wuxuuna isugu jiraa mid laga saaray iyo mid lagu socdo.
Dhamaan waa tusaalooyin muujinaya jihada aan ku socono oo ah Soomaaliya oo xor ka ah Khawaarij, kuna naaloonaysa nabad, deganaan iyo Dawladnimo, Alle Idamkiisa.
Inta inooga Shahiiday Alle ha u aqbalo, inta dhaawacantayna Alle ha u booga dhayo, inta ehelkooda ku waysay badal Khayr leh Alle ha siiyo, inta Dagaalka ku jirtana Alle ha sugo, guushana haku makaniyo.
Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Soomaaliya.