Arbaco, October 15, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooganaa oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Baledweyne, kasoo ka dhacay barqanimadii maanta xaafada Buundoweyn ee magaaladaas.
Warkii oo dhan
More Articles
Talaado, October 14, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in codsiga Itoobiya ee ku saabsan helitaanka marin badeed uu saxyahay, isla markaana aan loo baahnayn in uu khilaaf horseedo, sida lagu sheegay warbaahinta dowladda Itoobiya ee EBC.
Isniin, October 13, 2025 (HOL) - Ciidamada Darawiishta Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay muwaadin u dhashay dalka Turkiga, kaasoo lagu magacaabo Feyzul Xaashim Suleymaan, kadib howlgal ay ka sameeyeen Togga Baalade ee gobolka Bari. Qabashadan ayaa timid xilli uu marayo wajiga afraad ee Hawlgalka Hilaac, oo lagu bartilmaameedsanayo dagaalamayaasha Daacish ee ku sugan buuraleyda Cal-Miskaad.
Axad, October 12, 2025 (HOL) - Milatariga Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gaadiid dagaal oo uu watay Col. Cali Xuubeey, oo horay uga tirsanaa ciidamada qalabka sida balse aan haatan ka mid ahayn.
Sabti, October 11, 2025 (HOL) - Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku biiraysa Baarlamaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika (EALA), taas oo la sheegay in ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda federaalka ee ku aaddan in dalku si buuxda uga mid noqdo urur goboleedkan.
Jimco, October 10, 2025 (HOL) - Puntland ayaa difaacday heshiiskii dhawaan ay la gashay Somaliland, kaas oo sababay doodo iyo mucaarad xooggan oo ka dhashay gudaha Puntland.
Khamiis, October 9, 2025 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya dhacdo naxdin leh oo ka dhacday bartamaha habeenimadii xalay, kadib markii maleeshiyo hubaysan ay weerar ku qaadeen guri ay deganaayeen hooyo iyo carruurteeda, halkaas oo ay ku dileen afar dumar ah oo isku qoys ahaa.