More Articles
Axad, Juun 8, 2025 (HOL) - Hoggaamiyaha ciidanka difaaca deegaanka ee macawiisleeyda Soomaaliya Cali Jeyte Cismaan ayaa beeniyay in ciidanka dowlada iyo kuwa saaxiibada Caalamka dileen Horjoogihii ugu halista badnaa Al-shabaab ee deegaanada maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle Nuur Cabdi Rooble Nuunuule oo lagu dilay gobolka Hiiraan.
Warkii oo dhan
Sabti, Juun 7, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyay inuu maanta geeriyooday Horjoogihii ugu halista badnaa Al-shabaab ee deegaanada maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Jimco, Juun 6, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si degdeg ah uga falcelisay go’aanka dowladda Maraykanka ee lagu mamnuucay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay u safraan dalkaas, iyadoo muujisay rabitaankeeda ah in arrintan si diblomaasiyad leh loo xalliyo.
Khamiis, Juun 5, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar cusub oo mamnuucaya gelitaanka muwaadiniinta ka soo jeeda 12 dal oo uu ku jiro Soomaaliya, isaga oo ku sababeeyay in tallaabadan lagama maarmaan u tahay ilaalinta dalka Maraykanka "argagixisada ajnabiga ah" iyo khataraha kale ee amni.
Arbaco, Juun 4, 2025 (HOL) - Dowladda Turkiga ayaa xoojisay taageerada dhanka difaaca ee ay Soomaaliya ka siiso dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab todobaadkan, kadib markii uu Sabtidii khadka telefoonka ay kuwada hadleen Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Soomaaliya.
Talaado, Juun 3, 2025 (HOL) - Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa sheegay in ciidamada Burundi ee ku sugnaa saldhigga Xawaadley looga daad gureeyay kaddib markii daadad xooggan ku dhuftay deegaankaas.