More Articles
Talaado, April 29, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maqaal dheer uu ku qoray Jariidada Sharqul Awsat ee kasoo baxda dalka Sacuudiga ayaa waxa uu bilow uu uga dhigay in Tan iyo markii ugu horeysay ee loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2012, lagu sameeyay lix isku day dil oo ay geysteen kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay 18-kii March, 2025, ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Warkii oo dhan
Isniin, April 28, 2025 (HOL) - Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay mooshin ka wadaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay ku eedeeyen inuu socodsiin wayay kalfadhiga lixaad ee Golaha shacabka.
Axad, April 27, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta waxa uu isku shaandheen kooban uu ku sameeyay Golahiisa wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya waxaana ay sameeysay ilaa sedex wasiir oo kaliya ah.
Sabti, April 26, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud inuu ka dhabeeyo gogosha wada-hadal ee uu u fidiyay saamileyda siyaasadda.
Jimco, April 25, 2025 (HOL) - Shirkii uga socday Dalka Uganda Madaxda Dowladaha ay Ciidamadoodi ka joogaan Soomaaliya ayaa lasoo gabagabeyay waxaana laga soo saaray qodobo muhiim u ah ammaanka guud ee Soomaaliya.
Khamiis, April 24, 2025 (HOL) - Ciidamada xooga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saakay jab xooggan gaarsiiyey kooxda Alshabaab oo weerar ku qaaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas lagu laayey dhagarqabayaal badan, sida ay sheegtay Warbaahinta Qaranka.