More Articles
Jimco, April 4, 2025 (HOL) - Waxaa maanta oo Jimco ah lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho ka furmo shir u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka.
Warkii oo dhan
Khamiis, April 3, 2025 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maalqabeen Elon Musk iyo wadaadada diinta Masiixiga ee Maraykanka ka codsatay in ay Donald Trump ku qanciyaan in aanu aqoonsan Somaliland.
Arbaco, April 2, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya kadib markii uu tixraacay soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxaana uu si rasmi u Magaacabay S/Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar.
Talaado, April 1, 2025 (HOL) - Itoobiya ayaa lagu wadaa inay door muhiim ah ka ciyaarto howlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), sida lagu sheegay warbixin dhawaan lagu daabacay jariidada Addis Ababa Standard.
Isniin, Maarso 31, 2025 (HOL) - Kooxda Al-Shabaab ayaa joojisay dhoollatuskii ay ciidan ahaan u sameyn jireen maalinta Ciidda, taasoo ay hore ugu muujin jireen awoodda ciidan iyo hubka ay haystaan. Wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya in arrintan ay la xiriirto saamaynta duqeymaha isdaba joogga ah ee lala beegsanayo kooxda Alshabaab.
Axad, Maarso 30, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gogol u fidiyay siyaasiyiinta iyo dadka aragtida duwan, isagoo ku booriyay in ay kaalin weyn ka qaataan dagaalka lagula jiro Alshbaab iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan nidaamka Federaalka.
Sabti, Maarso 29, 2025 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa caawa ku dhawaaqday in maalinta Berri ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal ee ciidul Fidriga, kadib markii aragtida bisha la xaqiijiyay, iyadoo dowladaha caalamka sidoo kale looga dhawaaqay in berri ay tahay Ciid.