More Articles
Khamiis, Juun 5, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar cusub oo mamnuucaya gelitaanka muwaadiniinta ka soo jeeda 12 dal oo uu ku jiro Soomaaliya, isaga oo ku sababeeyay in tallaabadan lagama maarmaan u tahay ilaalinta dalka Maraykanka "argagixisada ajnabiga ah" iyo khataraha kale ee amni.
Warkii oo dhan
Arbaco, Juun 4, 2025 (HOL) - Dowladda Turkiga ayaa xoojisay taageerada dhanka difaaca ee ay Soomaaliya ka siiso dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab todobaadkan, kadib markii uu Sabtidii khadka telefoonka ay kuwada hadleen Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Soomaaliya.
Talaado, Juun 3, 2025 (HOL) - Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa sheegay in ciidamada Burundi ee ku sugnaa saldhigga Xawaadley looga daad gureeyay kaddib markii daadad xooggan ku dhuftay deegaankaas.
Isniin, Juun 2, 2025 (HOL) - Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku midoobeen inta badan xubnaha Mucaaradka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhoweyneyaan gogosha wadatashi ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay, kuna muddeeyay 15-ka Juun, 2025.
Axad, Juun 1, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Shir Wadatashi Qaran oo lagu qabanayo Muqdisho 15-ka Juun 2025.
Sabti, May 31, 2025 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu doortay xubinimada UN-Habitat waxaana ay Soomaaliya ay afarta sano ee soo socota qayb ka ahaan doonta Golaha Fulinta ee UN-Habitat, oo ah hay’adda ugu sarreysa ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dejinta iyo magaalooyinka.