More Articles
Sabti, January 18, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa saakay ka ambabaxay magaalada Kismaayo oo ay diyaarad gaar ah ka qaaday waxaana uu ku wajahan yahay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.
Warkii oo dhan
Jimco, January 17, 2025 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya uu wajahayo khatar inuu kala go'o oo inta badan uu cadowga qaato, inkastoo si rasmi ah uusan u qeexan nooca cadowga iyo dhibaatada dalka uu marayo.
Khamiis, January 16, 2025 (HOL) - Soomaaliya ayaa codkeeda ku taageertay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ee tirsigiisu yahay 2768 (2025), kaasoo ka hadlaya sida Golaha Ammaanku uga go’an yahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Badda Cas.
Arbaco, January 15, 2025 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa ka falceliyay Shirkii jaraa'id ay sida wadajirka ah ay shalay Magaalada Muqdisho ugu qbateen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur iyo Prof. Cabdi Ismaacil Samatar oo kamid ah senatorada aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu falcelintiisa ku sheegay inay Mucaaradka ay u diyaar garoobaan ka qeyb galka Doorasho Qof iyo Cod ah.
Talaado, January 14, 2025 (HOL) - Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay isku dheellitirayso xiriirka ay la leedahay Masar iyo Itoobiya, oo ah labo dal oo isku haya biyaha Webiga Niil.
Isniin, January 13, 2025 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xal rasmi ah laga gaaray arrimihii ka taagnaa qunsuliyadaha Itoobiya ee ku yaalla Garowe iyo Hargeysa oo ay dowladda hadda ka hor amartay in la xiro.